Tobanaan meydad la helay oo la beeniyay in ay yihiin Soomaali

Image
Image
Image
Image
Image
Zambia ayaa marin u ah dadka soo galootiga ah ee inta badan ka yimaada Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

LUSAKA, Zambia - Meydadka 27 tahriibayaal ah oo la rumeysan yahay inay ka soo jeedaan Itoobiya ayaa laga helay meel u dhow magaala madaxda waddanka Zambia ee Lusaka, sidda ay qortey warbaahinta.

Maxamuud Maxamed oo ka mid ah madaxda jaaliyadda Soomaalida oo booqday isbitaalka ayaa laanta afka Soomaaliga ee VOA u sheegay in dadka la laayay ay yihiin Itoobiyaan aysana ahayn Soomaali.

Dhibbanayaasha oo qaarkood iyaga oo nool loola cararay xarumaha caafimaad si loo badbaadiyo ayaa looga shakisan yahay inay ku "ku neef qabatimeen" konteenar ay ku jiraan.

Hadalka Maxamed ayaa meesha ka saaraya warbixino kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay ay baahisay saxaafadda Zambia kuwaasoo meydadka la helay ku tilmaamay dad Soomaali ah.

Zambia ayaa marin u ah dadka soo galootiga ah ee inta badan ka yimaada Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika, kuwaasi oo doonaya inay gaaraan dalka Koonfur Afrika.

Dalka Malawi oo jaarka la ah Zambia, mas'uuliyiinta ayaa wuxuu xabaal wadareed ay ku jiraan 25 qof oo muhaajiriin kuwaasoo u dhashay waddanka Itoobiya bishii Oktoobar ee sanadkan 2022.

Taliska Booliska oo sameeyay baaritaano horudhac ah ayaa shaaca ka dhigay in ay hayaan cadeymo muujinaya in wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Malawi Peter Mutharika uu la xiriirinayo falkan foosha xun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo dhaweeyay heshiis lagu saxiixay Muqdisho

Ciidamada AUSSOM ee laga soo xulay Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Masar, iyo Uganda waxay ka kooban yihiin 11,900 askari.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 02:12PM

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo Daah-furtay Barnaamijka Taakuleynta Bisha Ramadan

Dr. Xabeeb ayaa ka mahadceliyay Deeqda ay soo gaarsiisay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation oo sanad waliba marka la gaaro bisha barakeysan ee Ramadan.

  • Soomaliya

    01-03-2025

  • 12:27PM