Tobanaan meydad la helay oo la beeniyay in ay yihiin Soomaali

Image
Zambia ayaa marin u ah dadka soo galootiga ah ee inta badan ka yimaada Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

LUSAKA, Zambia - Meydadka 27 tahriibayaal ah oo la rumeysan yahay inay ka soo jeedaan Itoobiya ayaa laga helay meel u dhow magaala madaxda waddanka Zambia ee Lusaka, sidda ay qortey warbaahinta.

Maxamuud Maxamed oo ka mid ah madaxda jaaliyadda Soomaalida oo booqday isbitaalka ayaa laanta afka Soomaaliga ee VOA u sheegay in dadka la laayay ay yihiin Itoobiyaan aysana ahayn Soomaali.

Dhibbanayaasha oo qaarkood iyaga oo nool loola cararay xarumaha caafimaad si loo badbaadiyo ayaa looga shakisan yahay inay ku "ku neef qabatimeen" konteenar ay ku jiraan.

Hadalka Maxamed ayaa meesha ka saaraya warbixino kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay ay baahisay saxaafadda Zambia kuwaasoo meydadka la helay ku tilmaamay dad Soomaali ah.

Zambia ayaa marin u ah dadka soo galootiga ah ee inta badan ka yimaada Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika, kuwaasi oo doonaya inay gaaraan dalka Koonfur Afrika.

Dalka Malawi oo jaarka la ah Zambia, mas'uuliyiinta ayaa wuxuu xabaal wadareed ay ku jiraan 25 qof oo muhaajiriin kuwaasoo u dhashay waddanka Itoobiya bishii Oktoobar ee sanadkan 2022.

Taliska Booliska oo sameeyay baaritaano horudhac ah ayaa shaaca ka dhigay in ay hayaan cadeymo muujinaya in wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Malawi Peter Mutharika uu la xiriirinayo falkan foosha xun.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM