Mid ka mid ah shaqaalaha gaaroonka diyaaradaha Muqdishu oo la dilay

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Dablay hubaysan ayaa saaka ku dilay magalada Muqdishu mid ka mid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ciise Bayle, waxaana falkaasi gaystay shakhsiyaad ku hubaysnaa bastoolado oo goobta ka baxsaday.

Toogashada ayaa ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan xaafada Nasteexo, waxayna timi xilli uu ku sii jeeday goobtiisa shaqada.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka iyo maamulka garoonka oo ku aadan dilkaasi, mana cadda sababta loo dilay.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli dhawaan lagu dilay magalada Muqdishu labo qof oo midkood u shaqaynayay wasaaradda cadaaladda Somalia, halka kan kale ahaa dhakhtar, cid falkaasi loo soo qabtayna ma jirto.

Maaha markii ugu horaysay oo dil loo gaysto shaqaale ka tirsan kuwa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM