Mid kamid ah aas-aasayaashili Al-Shabaab oo "duqeyn lagu dilay"

Image
Mareykanka ayaa horey madaxiisa u dul-dhigay aduun lacageed gaaraya $3 milyan oo abaalmarin ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in mid ka mid ah aas-aasayaashii Al-Shabaab Cabdullaahi Nadiir ‘lagu dilay’ howlgal ka dhacay deegaanka Xaramka oo ay maamulaan Al-Shabaab October 1-dii ayna fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada la ah.

Cabdullaahi Nadiir oo loo yaqaan Cabdullaahi Yare ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Al-Shabaab. Waxa uu madaxiisa $3 milyan oo abaal-marin ah dul-dhigtey dowladda Maraykanka.

Haddii la xaqiijiyo waxay ka dhigan tahay in la dilay mid ka mid ah madaxda sare ee Al-Shabaab. C/llaahi Yare waxa ay aad isugu dhawaayeen Amiirkii hore ee Axmed Cabdi Godane iyo sidoo kale Hogaamiyaha hadda talada haya ee Abuu Cubeyda. Dawladdu waxay sheegtay inuu wakhtigan madax ka ahaa dacwada.

"Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la ciqaabo dembiileyaasha kale ee  ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidammada Qaranka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha ugu sareeya argagixisada. Hawlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Xaramka ee Gobalka Jubbada Dhexe 01-10-2022.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir ayaa ahaa Madaxa Dacwada ee Kooxda waana mid ka mid ah kuwa ugu sharta badan Khawaarijta Al-Shabaab.

Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda,  waana shakhsiga ay argagixisada u diyaariyeen in uu badalo Horjoogaha bukaanka ah ee Khawaarijta Shabaab  ee dhiigga Islaamka baneystey, Axmed Diiriye.

Horjoogahan oo madixiisa ay saarnayd lacag ayaa ka mid ahaa kuwa ay sida wayn u doondoonaysay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah, waxaana ugu dambeyn soo helay sirdoonka qaranka ee Somalia, NISA.

Dilkiisu waa qodax laga siibay ummadda Soomaaliyeed oo ka nasan doonta dhagartii iyo marin habaabintii uu ku hayay bulshada Soomaaliyeed. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la ciqaabo dembiileyaasha kale ee  ku hawlan dhagarta Shacabka Soomaaliyeed.

Dawladdu waxay u umahad celinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah oo wadashaqayntoodu ay fududaysay dilka horjoogahaan cadawga ku ahaa ummadda Soomaaliyeed.


Yariisow oo sidoo kale ku jiray liiska shaqsiyaadka uu Mareykanka u aqoonsadey argagixisadda caalamiga ah ayaa horey wuxuu u soo noqdey madaxa warfaafinta ee xoogaga gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida oo ah shabakad caalami ah oo ay hoostagaan kooxo kale oo xagjiriin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM