Midowga Afrika oo ansixiyey howlgalka badali doona ATMIS

Image
Golaha ayaa sheegay in howlgalka cusub ee AU-da uu hoggaaminayo ay diiradda saari doonaan taageeridda dowladda federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika waxa uu taageeray in la dhiso howlgal cusub oo uu hoggaaminayo Midowga Afrika ka dib markii hawlgalka hadda ATMIS uu dhammaanayo waqtigiisa Diseembar 2024.

Golaha ayaa sheegay in howlgalka cusub ee AU-da uu hoggaaminayo ay diiradda saari doonaan taageeridda dowladda federaalka ah si loo sii xaalufiyo Al-Shabaab.

Sidoo kale, howlgalka cusub ayaa ka shaqeyn doona sidii sugi lahaa amniga iyo in mudnaanta la siiyo ilaalinta rayidka Soomaaliya; in laga caawiyo xasilinta iyo amniga Soomaaliya, awoodna u siinaya mudnaanta dowlad-dhisidda; ka qayb qaadashada hawlgalada ka hortagga argagixisanimada, iyo mudnaanta kale.

Dhanka kale, golaha waxay si adag u taageereen codsigii ka yimid Soomaaliya ee 16 May 2024 iyo 17 May 2024 ee ahaa in qaab weji leh loo wajaho Wajiga 3aad ee ATMIS, iyadoo 4000 oo askar ah loo qaybiyey laba qaybood, kuwaas oo kala ah 2000 dhamaadka June 2024 iyo 2000 dhamaadka Sebtembar 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM