Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA — Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC) ee Midowga Afrika ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa si ay u qiimeeyaan xaaladda isbeddelaysa ee Soomaaliya iyo howlaha Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Doodaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo sidoo kale caqabadaha dhaqaale ee heysta hawlgalka, iyadoo laga wada hadlay sida loo xoojin karo taageerada loo fidinayo.

Danjiraha Algeria u fadhiya Midowga Afrika, Maxamed Khaalid, ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Algeria ee xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada nabadda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay diyaar u ahaanshaha Algeria inay sii waddo kaalmada Soomaaliya, gaar ahaan la-dagaallanka argagixisada iyo xoojinta nabadda, iyadoo lala kaashanayo bahwadaagta gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay helidda xalal ku dhisan is-afgarad si wax looga qabto caqabadaha dhaqaale ee haysta AUSSOM, si dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula wareegi karto mas’uuliyadda amniga dalka. Waxa uu xusay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu leeyahay mas’uuliyad ku aaddan hubinta maalgelin joogto ah oo loo helo hawlgalka.

Guddiga Midowga Afrika ayaa soo jeediyay dhowr ikhtiyaar oo ku saabsan mustaqbalka AUSSOM, kuwaas oo lagu taageerayo Soomaaliya si loo gaaro xasillooni, nabad, iyo xoojinta hay’adaha dowladeed. Soo jeedimahan ayaa dib loo eegi doonaa kadib la-tashiyo lala yeesho dalalka ka qeyb qaata hawlgalka iyo Guddiga Shaqaalaha Militariga ee PSC, ka hor inta aan loo gudbin Golaha Nabadda iyo Amniga.

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arUgu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.rintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM

Turkiga oo Markabka Casriga ah ee Çağrı Bey u soo Diray Soomaaliya

Tallaabadan ayaa waafaqsan aragtida Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee ah in Turkigu noqdo dal soo saara tamarta uu isticmaalo.

  • Soomaliya

    15-02-2026

  • 06:12PM