Midowga Afrika oo shaaciyey mowqifkiisa magacaabida Xamza

Image
Barre ayaa magaciisa si weyn loog faafiyay baraha bulshada ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa Hamza Cabdi Barre ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha 21-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib magacaabistii Arbacada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul Wasaare u magacaabay Xamza Cabdi Barre oo horay u soo noqday Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Maamulka Jubbaland.

Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in A.U. ay si buuxda u garab istaagi doonto Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si loo fuliyo baahiyaha muhiimka ah ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ee ku aaddan nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad ku guuleystay xilka madaxtinimada bishii May ee sanadkan, isagoo horay xilkan hayay intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017, kaddib doorasho muddo dheer dib loo dhigay oo looga soo horjeeday abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah iyo jabhad hubeysan oo dhiig badan ku daatay.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday baarlamaanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha kula dar daarmay inuu guto shaqadiisa, sida wax ka qabashada amni darrada, abaaraha, isbedelka cimilada iyo xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay dhammaan dalalka.

Barre oo magaciisa si weyn loog faafiyay baraha bulshada ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin, ayaa bishii December ee sanadkan loogu codeeyay xildhibaan doorasho ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, iyadoo ay ka socotay doorashada baarlamaanka oo muddo dheer dib u dhac ku yimid.

Waxa uu ka soo shaqeeyey doorar badan oo dadwayne iyo mid siyaasadeedba 2011 ilaa 2017 waxa uu ahaa xoghaye guud ee xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) oo horudhac u ahaa ururka Midowga Nabadda iyo Horumarka (UDP) oo uu hadda hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM