Warar laga faafiyey Midowga Musharaxiinta oo la beeniyay

Image
Wararkan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay aad la iskula dhex-marayay warbaahinta.

MUQDISHO, Soomaaliya – Waa been-abuur in midowga musharaxiinta ay wadahadalo kala fureen hogaanka waqtigu ka dhacay ee dowladda federaalka muddo kororsi iyo dhismaha dowlad wadaag ah, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo u waramay telefishinka Universal, ayaa sidoo kale wuxuu shaaciyey laba qodob oo haddii la xaqiijiyo ay kala tagayaan musharaxiinta madaxtinimadda.

"Ciddii wax ka doontaa madaxwayne xilkiisu dhamaadey waa iyadda oo booli doonatay," ayuu yiri, isaga oo raaciyey "waa dayaacad aan waxba ka jirin wararkaas".

Warsame oo rumeysan in shacabka Muqdisho ay ugu dulqaateen maamulka Farmaajo in uu sii joogo isagoo muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba aqbali doonin doorasho boob ah.

"Dulqaadkeena iyo dulqaadka dadka caasimada [Muqdisho] waxaa kamid ah in madaxweyne aan sharciyad haysan uu wali canshuurtii qaadanayo, ciidankii xukumaayo oo uu iska fadhiyo; waana ayaan darro," ayuu tibaaxay.

Wasiirkii hore ee qorsheynta qaranka oo beeniyey in midowga musharaxiinta uu haatan ku kala qeybsamay qadiyadda la xiriirta boobka doorashooyinka ayaa soo bandhigay laba qodob oo la dhaqan-geliyo aysan sii jiri doonin musharaxiinta.

Labadda qodob ayuu ku kala sheegay; in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo in doorashadda noqoto mid daahfuran oo la tartami karo

Midowga Musharaxiinta ayaa haatan magac ahaan ka kooban 14 xubnood. Balse, inta badan shirarkooda Muqdisho waxaa kasoo muuqdey ku dhowaad sideed. Madaxwayneyaal hore, ra’iisul wasaare hore iyo siyaasiyiin kale ayay ka kooban yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM