Miisaaniyada bilaha ee qaraxyada Al-Shabaab oo la shaaciyey

Image
Lacagtan ayaan qeyb ka ahayn qarashka ay maleyshiyada bil walba ku maalgeliso hubka ay adeegsato.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa sameynta qaraxada bil walba ku maalgelisa aduun lacageed dhan $1.8 milyan, sidda lagu sheegay warbixin uu daabacay Machadka Daraasaadka Amniga ee Hiraal.

Warbixinta oo ciwaan looga dhigay "Saanadda Al-Shabaab: Baad iyo Argagax" ayaa la daabacay Axadii, 20-ka Febraayo, 2021. Sida ku xusun qormadda, xoogaga hubeysan waxay hubka ay soo iibsadaan u kala saaraan saddex hab.

Iyada oo nidaamka ay si guud dusha kala soconayaa hogaanka sare ee dagaalameyaasha, nooca koowaad waa hubka fudud ee sida joogtada ah loo adeegsado, midka culus iyo qaraxyadda ay ku farsameeyaan gudaha waddanka.

Hubka fudud oo ay ku jiraan bastooladaha ayaa inta badan waxaa adeegsada garabka loo yeero Amniyaatka ee qaabilsan dilalka qorsheysan kuwaasoo laga cabsi qabo in ay bataan bilooyinka soo aadan doorashada awgeed.

Sida laga soo xigtey warbixinta, aduun dhan $2 milyan ayay kooxda bil walba ku qarash-gareysaa guud ahaan hubka; $1.8 milyan oo dheer ah waa miisaaniyad u gaar ah qaraxyada maxaliga ah; $150,000 kale oo dheeri ah waxay u qoondeeyaan hubka kale ee dalka lagu sameeyo.

"Dhaqdhaqaaqa lacagtaas wuxuu inta badan ku baxaa qaab kaash ah, xawaaladaha iyo bangiyadda, iyada oo lacagaha telefoonada la isugu diro ay kaliya u adeegsadeen dalabyadda qimahoodu jaban yahay," ayay tiri warbixinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan waxay shaacisay in ay ku guuleystay mideynta nidaamka lacag dirista ee bangiyadda dalka. Lama ogga haddii habkan uu ka caawin karo in ay la socoto dhaqdhaqaaqa akoonadda qaarkood.

Dekada weyn ee magaala madaxda Muqdisho, ganacsiayda yar-yar iyo kuwa waaweyn ee caasimada iyo nidaamka garsoor ee daahsan ayaa kamid ah meelaha ay lacagaha faraha badan ay Al-Shabaab uga hesho qaab baad ah.

Mucaaradka ayaa rumeysan in miisaaniyada Al-Shabaab ee sanadlaha ah ay korortey shantii sano ee lasoo dhaafay sababo ku aadan wax ay ugu yeereen "wada-shaqeyn ay la yeesheen dowlada ama siyaasada jilicsan ee lagu wajahay".

Amniga ayaa kamid ah caqabaha ugu waaweyn ee horyaala dowladnimada Soomaaliya. Al-Shabaab waa mid kamid ah jidgooyooyinka ugu waaweyn ee ku hor-gudban, ciribtirkoodana waxaa aas-aas u ah xasilooni siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM