Milatariga Mareykanka oo ka hadlay xaalada Soomaaliya

Image
AFRICOM ayaa taageero weyn waxay u muujisay baaqyadii u dambeeyay ee Beesha Caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee qaaradda qaaradda Afrika ayaa si weyn wuxuu taageero ugu muujiyey baaqyadii ugu dambeeyay ee Beesha Caalamka kasoo saartey xaaladda Soomaaliya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay ciwaanka gaarka ah ee AFRICOM ku leedahay mareegga Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyey in suurtagal ay tahay in xasaradaha siyaasadeed wiiqaan ammaanka.

Sida laga soo xigtey bayaanka AFRICOM, ciidanka Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay naf-hurnimo u muujiyaan sidii ay usoo afjari kooxaha argagixisadda ah ee ammaanka halista ku ah amniga.

"Taliska Mareykana ee Afrika wuxuu si buuxda ugu taageerayaa Beesha Caalamka, wasaaradda arrimaha dibadda iyo USAID baaqyadooda ku saabsan in la qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka waxaa la raaciyey: "Ciidamadda Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay wajahaan khataraha dhanka amniga ah ee kaga imaanaya kooxaha argagixisadda ah kuwaasoo gummaadaya shacabka aan waxba galabsan".

War-saxaafadeedkii ugu dambeeyay ee Beesha Caalamka kasoo saartey xaaladda Soomaaliya waxaa lagu adkeeyay qabsoomida shirka golaha wadatashiga qaranka ee dib loogu eegayo doorashada.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayuu ku tartarsiiyey in ay danta qaranka ka horumariyaan wax walba iyo in ay dhinac iska dhigaan is-qabqabsiga ayna diiradda saaraan qabsoomida doorashooyinka daahay. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM