Milatariga oo guul ka sheegtay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Taliska ciidanka xoogga ayaa tibaaxay in gulufka ay ku dileen "horjooge ka tirsanaa maleyshiyada".

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa deegaan lagu magacaabo Shawo oo dhanka Koofureed uga beegan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxa ay ku dileen ku dhawaad 7 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab sida uu sheegay taliska milatariga Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmadda Guriceel Abdishakuur Indho, Taliyaha Guutada 17-aad ee Gorgor Gaashaanle dhexe Dayax Cabdi Cabdulle iyo Kusimaha taliyaha Guutada 15aa, Qaybta 21-aad ee Ciidanka Xogga  Axmed Dabeyl oo hoggaaminaayay howlgalka ayaa sheegay in ay qaarijiyeen horjoogihii maleeshiyaadka oo lagu magacaabi jiray  Daa’uud Ibraahim Shaambil iyo dagaalamayaal uu watay.

Sarkaal kale, oo ka tirsan qayb 21aad ee milatariga ayaa u sheegay Garowe Online in kooxda dagaalka la galeen ahaayeen 10 xubno balse 3 ka mid ah ay goobta ka baxsadeen ciidan kuna uu hada wado howlgalo baaritaano ah.

Dhanka kale, taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

"Gaari nooca loo yaqaan Toyota Surf ayay wateen horjoogahaan iyo maleeshiyaadka lala khaarijiyay oo damacsanaa in ay qaraxyo ka fuliyaan Guriceel," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Saraakiisha ayaa soo bandhigay maydadka xubnaha ay sheegeen in ay ahaayeen Al Shabaab, hub iyo gaari  Gaari ay wateen  oo ah nuuca loo yaqaan PRADO.

Sarkaal diiday in aan xigano magaciisa ayaa intaasi ku daray xubnaha ka tirsan Al Shabaab ay wateen jaakado ay xirnaayeen waxyaabaha qarxa.

Al Shabaab, ayaa bilahii la soo dhaafay kordhiyay joogitaankooda Galmudug waxa ayna weerareen magaalooyinka Baxdo, Cadakibir, Matabaan, Ceeldheere iyo deegaano kala oo ay dagaal kula galeen ciidanka milatariga iyo kuwa Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi: Taiwan waxay mashruuc halis ah kawadey Soomaaliya

Fiqi waxaa hadda loo magacaabey Wasiirka difaaca dalka, isagoo intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda aad u xumaadey xiriirka dibadd.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 12:24PM

Puntland: Weerar Daacish ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Dhasaan oo la fashiliyey

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in howlgallada ka socda buuraha Calmiskaat ay sii socon doonaan ilaa laga baabi’inayo khatarta kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    03-05-2025

  • 11:15AM