Milatariga Soomaaliya oo "dilay" 15 xubnood Al-Shabaab ah

Image
Dagaalameyaasha "la laayey" ayaa la sheegay in ay isku-dayeen "duulaan rogaal-celis ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay "in ay dileen" 15 kamid ah dagaalameyaasha Al-Shabaab ka gadaal markii ay isku-dayeen in ay dib u weeraraan deegaanka Sinadhaqa ee Gobalka Galguduud.

Sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, "khawaariijta" la dilay ayaa isku-dayay in ay dib ula wareegaan saldhigyo dhowaan ay la wareegeen ciidamadda.

"Dawladdu waxa ay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaradda.

HOOS KA DAALACO BAYAANKA

Ciidamada Xoogga Dalka ee ka hawlgalaya deegaanka Sinadhaqa ee Gobalka Galguduud ayaa dilay 15 ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab ka dib markii ay isku dayeen in ay dib u soo weeraraan Saldhigyo Ciidamada Qaranku ka saareen maalin ka hor.

Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Khawaarijta iyaga oo ka faa'iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku dayga argagixisada.

Dawladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa maleeshiyaadka ay khawaarijtu marin habaabisay in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safka argagixisada.

Dawladdu waxa ay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka. Dawladdu waxay kale oo ay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee garab taagan, si gaar ah, dawladda Maraykanka, iyo hawlgalka ATMIS.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM