Milatariga Soomaaliya oo "dilay" 15 xubnood Al-Shabaab ah

Image
Dagaalameyaasha "la laayey" ayaa la sheegay in ay isku-dayeen "duulaan rogaal-celis ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay "in ay dileen" 15 kamid ah dagaalameyaasha Al-Shabaab ka gadaal markii ay isku-dayeen in ay dib u weeraraan deegaanka Sinadhaqa ee Gobalka Galguduud.

Sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, "khawaariijta" la dilay ayaa isku-dayay in ay dib ula wareegaan saldhigyo dhowaan ay la wareegeen ciidamadda.

"Dawladdu waxa ay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaradda.

HOOS KA DAALACO BAYAANKA

Ciidamada Xoogga Dalka ee ka hawlgalaya deegaanka Sinadhaqa ee Gobalka Galguduud ayaa dilay 15 ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab ka dib markii ay isku dayeen in ay dib u soo weeraraan Saldhigyo Ciidamada Qaranku ka saareen maalin ka hor.

Ciidamada xoogga oo hayay macluumaadka Khawaarijta iyaga oo ka faa'iidaysanaya sirdoonkooda iyo wadashaqaynta Shacabka deegaanka ayaa si xirfadaysan u jabiyay isku dayga argagixisada.

Dawladda Soomaaliya waxay xusuusinaysaa maleeshiyaadka ay khawaarijtu marin habaabisay in waqtigu gabaabsi ku yahay ayna sii yaraanayso fursadda ay u haystaan in ay kaga baxaan safka argagixisada.

Dawladdu waxa ay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed oo kacdoonkoodu uu yahay Kan micnaha u yeelaya halganka xoraynta Dalka. Dawladdu waxay kale oo ay u mahadcelinaysaa saaxiibada caalamka ee garab taagan, si gaar ah, dawladda Maraykanka, iyo hawlgalka ATMIS.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM