Milatariga Soomaaliya oo sameeyay howlgal ka dhan ah kooxda AS

Image
Gulufkan ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib iyo dadka deegaanka ayaa howlgal lagu Ciribtirayo Al-Shabaab ka sameeyay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka ay sida wadajirka uga fuliyeen dhulka howdka ah, Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa ahaa mid looga hortegayay Al-Shabaab si aysan dhibaato ugu geysan shacabka ku nool deegaanadaas.

Guutada 26-aad ee Cali Bin Abii Daalib G/dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in howlgalka lagu bar-tilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Bood iyo Budbud ee gobolka Galgaduud,islamarkaana ay weli Ciidanku ku raad-joogaan firxadka nabadiidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM