Milatariga Soomaaliya: Qaraxyada ma joogsan balse waa la wiiqay
MUQDISHO, Soomaaliya - Afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah lagu dilay qarax miino oo ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.
S/Guuto C/llaahi Cali Caanood oo ah Afhayeenka Wasaaradda ayaa sheegay in weerarka uu dhacay abaare 9-kii Subaxnimo, isla markaana ay ku dhinteen Saddex Askari iyo Sarkaal ka tirsanaa qeybta dhismaha.
Inkastoo qaraxa uu dhacay, ayuu sheegay, in ammaanka caasimadda uu soo hagaagayo tan iyo markii boolis cusub oo milateri ah lagu daadiyey magaaladda wax ka badan bil ka hor.
Ciidamadan cusub ayaa ka mid ahaa saraakiishii amniga Soomaaliya ee bilihii la soo dhaafay lagu tababaray dalka Uganda, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda.
Kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisadda caalamiga ah ee Al-Qaacida ayaa waxay sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay Dayniile.
Caanood ayaa tibaaxay in tan iyo markii dowladda ay billowday duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab bishii August ee sanadkan ay hoos u dhaceen weerarada qaraxyada ah ee ay geysanayaan Al-Shabaab.
“Ma dhaheyno qaraxyadii waa ay joogsadeen, laakiin waxaan leenahay waa la wiiqay,” ayuu yiri Caanood. Wuxuu intaas ku daray in dowladdu ay filaysay inay kor u kacdo weerarada bisha Ramadaan, balse taasi ma dhicin. "Cadowgu waa la naafeeyay, laakiin weli rasaas way ridi karaan," ayuu yiri.
Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in walxaha qarxa ay yihiin hubka ay Al-Shabaab u adeegsadaan.
Warbixin ay si wadajir ah u soo saareen Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in 109 Weerar oo qarax ah ka dhaceen Soomaaliya laga soo bilaabo Janaayo 2020 ilaa Diseembar 2021 ayna ku dhinteen 309 qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen 556 kale.
Qaraxyadda tooska ah ee baabuurta lagu soo xiro iyo weerarada ismiidaaminta ah ayaa ah hubka ugu badan ee ay Al-Shabaab u adeegsato weeraradda ay ka geysaneyso qeybo kamid ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
GAROWE ONLINE