Monitoring Group oo loo diidey inay galaan dekeda Berbera

Image

January 29, 2015 (GO)- Wararka laga helayo magaalada Berbera ayaa sheegaya in maamulka Somaliland u diidey saraakiil ka tirsan guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan kormeerka cuna-qabateynta hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea (UN Monitoring Group), inay gudaha u galaan dekedda Berbera.

Saraakiishan oo ay weheliyeen xubno ka tirsan qunsuliyadda dalka Ethiopia ee Somaliland waxay doonayeen inay soo arkaan markab la sheegay inuu hub sido oo todobaadkan horraantiisii halkaas soo gaarey.

Amarka saraakiishaas dib loogu celiyey ayaa sida wararka aan ku heleyno kasoo baxay mas'uuliyiinta ugu sarrey laamaha ammaanka ee Somaliland.

Markabka Hubka Sida:

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maalmo kahor warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markabka oo lagu magacaabo MV Shakir una raran ganacsato reer Somaliland ah markii rarka laga dejinayey lagu arkey dhowr gaadiidka dagaalka ee qafilan ah, tobanaan qori iyo rasaas fara badan. 

Waran-cade wuxuu intaas ku daray in baaritaan lagu wado hubkan iyo cidda iska leh xiliganna su'aalo la weydiinayo kabtanka markabka oo isagu sheegay in shixnadda hubka ah markabka laga soo saarey magaalada Port Sudan.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 1992 Somalia kusoo rogey cuna-qabateyn dhanka hubka ah kadib markii la ridey dowladii militeriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey dalkuna galay marxalad fawdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM