Mowqifka Soomaaliya kusoo laabashada Suuriya ee Jaamacada Carabta

Image
Shir-madaxeedkii 32-aad ee hogaamiyeyaasha dalalka Carabta ayaa ka qabsoomay magaalada Jidda.

RIYADH, Sacuudiga - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii shalay waxa uu ka qeybgalay Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta kaasoo ka qabsoomay magaalada Jidda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Xasan Sheekh ayaa Khudbadiisa kula wadaagay Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayuu xusay "in ay waddo howlgallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, loona diyaarinayo Ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka".

“Waa inaan dardargelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri.

Waxa uu raaciyey: "Waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta".

Dhanka kale, xukuumadda Muqdisho ayuu ku nuux-nuux-saday in a soo dhaweyneyso dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee Madasha Jaamacadda Carabta.

Baaqii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wadahadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas ayuu mar kale ka dhawaajiyay.

Hoggaamiyeyaasha ayuu xusuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM