Mucaaradka Somaliland oo midoobey go'aamana soo saarey

Image

March 4, 2015 (GO)- Axsaabta siyaasadda ee  Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa uga dhawaaqey isbahaysi ay ku mideysan yihiin kaasoo loogu magac darey isbaheysiga mucaaradka.

Kulan isla maanta isbaheysigaasi yeeshay ayaa laga soo saarey go'aamo dhowr ah oo khuseeya doorashada. Go'aamadaas waxaa ugu muhiimsan:

  • xukuumadda waxaa looga digayaa inay gasho heshiisyo cusub iyadoo waqtigeedu gabaabsi yahay.
  • Waa waajib in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo ah June 26, 2015.
  • Xukuumaddu wax cudur daar ah uma haysato dub u dhac ku yimaada doorashooyinka.
  • Hadii doorashooyinku dib u dhacaan ma aqoonsan doonno xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada.
  • Waxan soo jeedineynaa ina lakala diro labada gole (wasiirrada iyo barlamanka) wixii ka dambeeya June 26, 2015.

Doorashooyinka madaxtinimada iyo barlamanka Somaliland ayaa qorshuhu yahay inay dhacaan bisha June ee soo socota, balse waxaa jira walaac mucaaradku ka qabaan in doorashadu dib u dhacdo dowladduna waqtiga sii dheereysato.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dhowaan Madaxweyne Siilaanyo isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirrada iyo qaar kamid ah taliyeyaasha ciidamada.

Afar mas'uul oo ka tirsanaa xukuumadda Siilaanyo ayaa isku shaandheynta kaddib xilalkoodii iska casiley.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM