Mudada uu hakadka ku jirayo bixinta Baasaboorka oo la kordhiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa shaacisay in la kordhiyey mudada uu hakadka ku jirayo bixinta Baasaboorka, sidda lagu sheegay war qoraal ah.

Iyaddoo loo joojiyey 25-kii Janaayo 2020 howlo farsamo, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in shaqada oo aan wali dhameystirmin awgeed ay wali jirto xayiraadda.

Qorshaha wuxuu ahaa in 2-da Febraayo 2020 dib loo bilaabo, hase ahaatee, sidda ku cad bayaanka uu arkay Garowe Online, waxaa lagu daray muddo dheeraad ah.

Sidda ku xusan warqadda, waxaa dib loo bilaabi doonaa bixinta Baasaboorka taariikhdu mar ay tahay 6-da Janaayo sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka.

Inkasta qoraalka aanan lagu fahfaahin howlaha farsamo, haddana waxaa la xaqiijiyey in ay la xiriirto dhanka hanaanka bixinta Baasaaboorka oo "la casriyeynayo".

“Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u bilaaban doontaa maalinimada Khamiista ah, Taariikhduna tahey Febaraayo 06, 2020," ayay tiri hay'adda.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in la hakiyo bixinta Baasaboorka Soomaaliya, hase ahaatee, horey uma aysan jirin in shacabka lagu wargeliyo, arrintaas ayaana keeni jirtay in hay'adda la dhaliilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM