Mukhtaar Roobow oo dib loogu celiyey xabsiga hay'adda NISA

Image
Abuu Mansuur ayaa 2018-kii waxaa laga soo xiray magaalada Baydhabo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku jiray xabsi guri ayaa maanta dib loogu soo celiyey qolalka xabsiga Sirdoonka Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Roobow ayaa xabsiga ku jira tan iyo 2018 iyadoo aan maxkamad la soo taagin, sida ay sheegeen qoyskiisa, waxaana laga mamnuucay inuu raadsado xuquuq sharci ah.

Ka dib qoraalkii Wasiirka Amniga Gudaha oo su’aal ka keenay xaaladda Roobow, Agaasimaha ku meel gaarka ah ee Hay’adda Nabadsugida, Yaasiin Fareey, ayaa markii dambe sheegay in caafimaadka Roobow uu wanaagsan yahay, hay’adduna ay ku bixiso 7,000 oo Doollarka Mareykanka ah si uu ugu daboolo kharashaadkiisa bishii.

Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] ayaa waxaa laga saarey gurigii uu kaga jiray Muqdisho kuna haysay dowladda Soomaaliya kadib dalabka wasiirka, sidda uu shaaciyey Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka dhawaajiyey in ehelkiisa ay u sheegeen in aysan garaneyn goobta loo qaadey Abuu Mansuur.

Roobow oo hogaamiye ku xigeen kasoo noqdey Al-Shabaab ayaa xaalada uu ku sugan yahay ka duwan tahay midda Xasan Daahir Aweys oo ururada argagixisada kawada tirsanaan jireen.

Abuu Mansuur ayaa 2018-kii waxaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ka gedaal markii uu diidey soojeedin kaga timid Villa Soomaaliya oo ahayd in uu ka haro tartanka madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM