"Mukulaalka" kamid ah hogaanka DF ee ku fekerka ah Axmed Godane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa weerar afka ah ku qaadey saddex ruux oo uu ku sheegay "in ay liijaanka u hayaan dowladda haatan jirta".

Shaqsiyaadkaas oo magacyadooda uu sheegay ayuu ku qeexay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dalka, Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha sirdoonka.

Sanbaloolshe, oo uu damac uga jiro xilka ugu sareeya ee waddanka, ayaa qirtay in uu isagu qaadayo mas'uuliyadda dhamaan hadalada uu ka dhawaajiyey.

Farmaajo: "Qabweyni iyo jahwareer"

Ugu horeyn, Sanbaloolshe oo kala dhig-dhigay saddexdooda ayaa si gaar ah u dul istaagay madaxweyne Farmaajo.

"Dowladdaan saddex qof ayey ka kooban tahay laba mukiileyaal ah oo dowladda in ay shirkad ku yihiin aaminsan waa madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin," ayuu ka shanqariyey.

Farmaajo oo tibaaxay "in uu aaminsan yahay in uu ka dhashay kacaankii barakeysnaa" ayuu shaaciyey in ay "ka siman yihiin Siyaad Barre baalmarista shuruucda iyo dastuurka ku meel gaarka ah ee waddanka".

"Farmaajo wuxuu la dagaalansan yahay dhamaan qabaa'ilkii la dagaalamay Siyaad Barre sidda Isaaqa, Hawiyaha, Majeerteenka iyo Ogaadeenka, wuxuu aaminsan yahay in uu yahay Maxamed Siyaad Barre oo 88-kii jooga oo dagaal kula jira jabhadihii oo dalka difaacaya, ma aaminsan in uu yahay nin hogaaminaya dowlad la yabyabaayo oo meel dheer laga keenay oo tacbaan ah, qabwaynidaas iyo jahwareerkaas ayaa jiro," ayuu ku adkeystay.

Weeraradii lagu qaadey hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Muuse Suudi, Cabdi Qaydiid iyo dagaalka siyaasadeed ee Xaaf ayuu xusay "in uu salka ku hayaan shaqsiyaadkii la diriray Siyaad Barre".

Fahad Yaasiin Daahir: "Mukulaalka"

Madaxa NISA ayuu ku nuux-nuuxsaday "in uu aaminsan in uu yahay qofka ka dambeeya guusha madaxtinimada Farmaajo iyo in dowladnimadu tahay wax lagu wadi karo fekerka hal qof iyo kooxeysi, sidda Carabta".

"Waa nin aan dulqaad u lahayn afkaarta ra'yiga iyo kala duwanaanshiyaha, waa nin siddii Godane aaminsan madax-jibiska ama qofkii siyaasi ah ee ka hor-yimaada in karfantiisa leyska diyaariyo," ayuu tibaaxay.

"Markaad la sheekeysato wuxuu ku leeyahay adiga dowladdan maxaad ku darsatay? Dadka dowladda u shaqeeya wuxuu aaminsan in axsaan loo sameeyay camal. Waa shaqsi aan aaminsanahay in uu yahay mukulaal ama cur libaaxyo dagaalsan hilib u qaybinaayo. Meeshii la rabay in uu gambado waaba soo taagan yahay. Runtii waa nin madaxweynaha ka dhaadhiciya dadka oo dhan in uu col la yahay marka isaga laga reebo. Waa nin lacag uruursi ku jira oo raba in Soomaaliya oo dhan uu lacag bis u isticmaalo qofkii lacag baddana uu dalka xukumaayo. Waa nin raba in uu madaxweynaha ka dhaaciyo in uusan Ilaah tala-saaran oo isaga uu talo saarto. Waa nin raba in dowladdaas la yiraahdo Qadar in uu Soomaaliya oo dhan u afduubo," ayuu ku sharaxay.

Ugu dambeyntii, Sanbaloolshe ayaa ka cudurdaartay in uu faalo ka bixiyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, wallow uusan xusay in uu dib ka shaacin doono balse ma shaacin waqtiga rasmiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uul Sare oo ka socota Qaramada Midoobay oo soo gaartey Muqdisho

Rosemary DiCarlo waa Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda.

  • Soomaliya

    17-10-2024

  • 12:10PM

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu maamulada u fasaxo doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey u damcay muddo kororsi, xiligaas oo uu diiday in Madaxweynaha Jubaland qabto doorasho.

  • Soomaliya

    17-10-2024

  • 04:32AM