Mungaab "Wasiirka amniga Maxkamad ayaan la tiigsanaynaa"

Image

16 Octobar, 2015(GO)-Gudoomiyaha  gobolka Banaadir ahna duqa  magalada Muqdishu Xasan Maxamed Xuseen "Mungaab", ayaa shaaca ka qaaday in maxkamad la tiigsanayaan wasiirka wasaaradda amniga Somalia Cabdirasaaq Cumar Maxamed, kaasoo bixiyay warqad cadaynaysa in hay'adaha qaybtood xirtaan wadooyinka muhiimka ah ee magalada.

Gudoomiyaha aayaa wasiirka ku eedeeyay amar uu ku bixiyay in la burburiyo wadada ka baxda isgoyska KM4 ee tagta garoonka diyaaaraha Aadan Cadde.

"Wasiirku amnigu xaq uma lahan inuu fasaxo wado la xirayo ama la fasaxayo, wana sharci darro waxa uu maantay sameeyey, damiirkeena ma'ogolaan karo In wadooyinkii ay inoo dhiseen walaalaha Turkiga la xiro, waxay dib u dhac ku tahay magaalada Muqdisho” Ayuu yiri Mungaab.

Isagoo Saxaafadda kula hadlay dhawaan Xamar, ayuu sheegay in tani dib u dhac ku tahay hormarka magaalada, isla markaana  wasiirka la tiigsan doonaan maxkamad.

"In garweyn lala dhaco wadooyinka waa qiyaano qaran, wasiirka Amniga waxaan la tiigsan doonaa sharciga. waala xiray dadkii la amray inay wadooyinka burburiyan, lamana sii dayn doono, sharcigaana la tiigsanaynaa" ayuu hadalkiisa raaciyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha  gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen "Mungaab" oo garabkiisa bixid uu taagan yahay xeer ilaaliyaha Qaranka Maxamed Daahir ayaa ugu dambeen Madaxweynaha, Ra'iisal wasaaraha iyo guddiga amniga Baarlamaanka Somalia ugu baaqay in tallaabo laga qaado wasiirka Amniga DFS.

Xeer ilaaliyuhu mar uu howsha dhextaal wasiirka iyo maamulka gobolka Banaadir, ayuu xusay inaysan sharci ahaa wasiirku bixin karin amar ku saabsan wadooyinka magalada, hawshaasna iska leeyihiin maamulka gobolka ama degmada wadadu ku taalo.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay wasiirka wasaaradda Amniga Somalia.

Arrintan ayaa timi xilli hay'adaha caalamiga ah ee ku sugan magalada Muqdishu ka cabsi qabaan weeraro qorsheysan oo uga yimaada ururka Al-Shabaab, taasina keentay inay samaystaan difaacyo xooggan oo xiray waddooyin muhiim ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM