Muqdisho: ardeyda oo ka dibax baxay af-lagaadada Nebiga

Image

Januay 17, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad bax ay soo qaban qaabiyeen ardaydu, kaasoo looga soo horjeeday af-lagaadadii Nebi Muxamed NNKH loogu geystey wargeyska Charlie Hebdo ee kasoo baxa Magaalada Paris.

Ardayda maanta Muqdisho ku mudaharaaday ayaa watey boorar ay ku qornayd ''Je Suis Muslim'' oo micneheedu yahay anigu Muslim baan ahay iyo ereyo kale oo lid ku ah wargeyska Charlie Hebdo, waxayna sheegeen in aan loo dulqaadan karin af-lagaadada joogtada ah ee loo geysanayo Nebi Muxamad.

Cabdiwali Axmed oo katirsanaa ardaydii banaanbaxday ayaa yiri '' ma aqbali karno in mar walba la dhaleeceeyo diinta Islaamka, iyo rasuulkeena suuban NNKH waxanna ku baaqaynaa meel walba oo dadka Islaamku joogaan inay muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhaleecaynta Rasuulka''.

Toban maalmood kahor ayey ahayd markii labo nin oo wejiga soo duubtay gudaha u galeen xarunta wargeyska Charlie Hebdo dabadeena toogasho ku dileen 12 qof oo shaqaalaha waregeyska ka tirsan tiftirihii guudna kamid ahaa. Weerarkaas waxaa geystey labo nin oo walaalo ahaa laguna kala magacaabi jirey Said Kouachi iyo Cherif Kouachi.

Charlie Hebdo wuxuu horay u daabacay sawir gacmeed lagu af-lagaadeeyey Nebi Muxamed NNKH, arrintaasoo caro xooggan ka dhalisay dunida Muslimka ah.

Dibad-baxyada ka dhacaya dunida Islaamka ayaa kusoo beegmaya xili wadaadka ugu sarreeya madhabta Catholic-ga Pope Francis uu dhowaan sheegay in xariyatul qawlka saxaafadu xadidan yahay marka ay timaado in diin wax laga sheego.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 12:12PM

Xamse oo wafdi ballaaran u kaxeystay shirka loo dhan-yahay ee UN-ka

“Cidna yaan laga tagin” waa hal-ku-dhegga sanadkan ee shirweynaha guud ee Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    22-09-2024

  • 10:03AM