Muqdisho: Dowladda Federaalka oo ka hadashay xarigga saraakiisha

Image

March 10, 2015 (GO)- Dowladda Fedderaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysey ka hadashay xarigga saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada oo loo qabtey tuhun la xiriira inay wax ka ogaayeen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee January 22, 2015 lala beegsadey Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Abuukar oo shir-saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa sheegay in dadka la xirey tiradoodu tahay kow iyo toban qof.

Faah faahin dheeri ah wuu ka gaabsadey inuu bixiyo wuxuuse xaqiijiyey in dhammaan dadka la qabtey yihiin kuwo tuhun soo galay xilliganna baaritaan lagu wado qofkii dambi lagu waayona dib xoriyaddiisa loogu soo celin doono.

Saraakiisha la xirey oo isugu jira boolis iyo qaar ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda waxaa lagu kala magacaabaa:

  1. Xasan Daahir, taliyaha hawlgelinta Nabad Sugidda.
  2. Cabdifitaax Aadan Biid, taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.
  3. Maxamed Daahir, taliyaha ciidanka booliska ee degmada Hodon.
  4. Bashiir Janig, taliye ku xigeenka booliska Hodon.
  5. Maxamed Ismaaciil Indho-Gorey, taliyaha qaybta Waliyow Cadde.
  6. Mahad Cabdixakiin (Mahad Korow), taliyaha nabad sugida degmada Wardhiigley.
  7. Maxamed Khadar Xasan, taliye ku xigeenka nabad sugidda degmada Waaberi.
  8. Cali Shiine, taliyaha qeybta galbeed.
  9. Iyo saddex askari oo kamid ah ciidanka nabadgelyada jidadka (Taraafikada).

Waa markii ugu horeysay ee saraakiil intaas tirdoodu le'egtahay loo qabto tuhun la xiriira iney gacan siiyeen ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Qaraxyada is-miidaamiinta ah ee lala beegsado hoteellada iyo goobaha kale ee dadka isugu yimaado ayaa waxaa horay marar badan looga dhawaajiyey in Shabaabku fulintooda la kaashadaan qaar kamid ah ciidamada amniga iyo shaqaalaha ka shaqeeya goobaha la bartilmaadsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM