Muqdisho: Haweenay ku dhimatay ceel 90-mitir oo ay ku dhacdey

Image
Image
Marxuumada oo kamid ah qoysaska danta yar ayaa ahayd hooyadda afar caruur ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Degaanka Garasbaaley ee duleedka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, haweenay xaamilo ahayd ayaa iyaddoo meyd ah laga soo saarey ceel 90-kilomitir ah.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiin tagay goobta ay wax ka dhaceen, marxuumadda ayaa ku dhacdey ceelka oo ahaa mid aan biyo lahayn iyaddoo agagaarkiisa ka uruur-saneysa goryaha dabka lagu shito.

Asli Muudey Muuse oo lasoo saarey meydkeeda kadib markii qof kamid ah dadka degaanka uu galay ceelka kuna soo xiray xarig ayaa la wariyey in ay ifka kaga tagtey afar caruur ah.

Maamulka degaanka Garasbaaley ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay sameeyaan astaan lagu aqoonsanayo in goobta uu ceelka ku yaalo ay tahay mid halis dadna ka fogaadaan.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka qaranka ee SONNA, maamulka wuxuu sidoo kale ka fekerayaa in la aaso ceelka ama dib loo howlgeliyo si ay uga faa'iideystaan dadweynaha.

Asli ayaa lagu waramay in ay kamid ahay dadka danyarta yar ee ku dhaqan duleedka Muqdisho kuwaasoo gobolada Koonfur Galbeed uga soo barakacay abaaraha daran awadeed.

Abaaraha ba’an ee ku dhufay meelo badan oo dalka kamid ah ayaa sababay inay la’daan xoolihii ay ku noolaayeen barakacaayal badan oo so dugaalsaday kaamam ku yaal duleedka caasimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM