Muqdisho: labo qof oo ku dhintey qarax ka dhacay Dharkeynley

Image

January 19, 2015 (GO)- Labo qof  ayaa ku geeriyoodey qarax gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Daa'uud Cabdulaahi Nuur oo ka tirsan maamulka Dharkeynley ayaa sheegay in qaraxaasi diley labo nin oo dhallinyaro ah, kuwaasoo la socdey mooto saddex-lugoodley ah (BAJAJ).

Wuxuuna intaas ku daray in labada nin qorsheynayeen weerar ay magaalada Muqdisho ka geystaan, balse ku qaraxday miino macmal oo ay horay usoo diyaarsadeen.

Ma ahan markii ugu horeysey ee magaalada Muqdisho uu ka dhaco qarax kuwii dhigayey ku geeriyoodeen.

Qaraxyada lagu rakibo gaadiidka ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey aad ugu soo badanayey magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 qaraxyada caynkaas ah lagu khaarijiyey tobanaan qof oo mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo rayidba isugu jirey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM