Muqdisho: magacyada saraakiisha loo xirey weerarkii Hotel SYL

Image

March 9, 2015 (GO)- Warbaahinta ayaa heshay magacyada iyo derejooyinka saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasoo xabsiga loo taxaabey kaddib markii lagu soo eedeeyey inay gacan-saar la leeyihiin Al-shabaab islamarkaana qayb ka qaateen weerar is-miidaamin ahaa oo January 22, 2015 lala beegsaday Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Weerarka waxaa fuliyey qof isa soo miidaamiyey oo watey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana lagu soo beegay xilli hoteelkaas ay ku shirayeen mas'uuliyiin ka tirsan dowlada iyo wafdi Turkish ah oo hordhac u ahaa wafdigii Recep Tayyib Erdogan ee January 25, 2015 Muqdisho yimid.

Saraakiisha la xirey oo isugu jira boolis iyo qaar ka tirsanaa hay'adda nabad-sugidda waxaa lagu kala magacaabaa:

  1. Xasan Daahir, taliyaha hawlgelinta Nabad Sugidda.
  2. Cabdifitaax Aadan Biid, taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan.
  3. Maxamed Daahir, taliyaha ciidanka booliska ee degmada Hodon.
  4. Bashiir Janig, taliye ku xigeenka booliska Hodon.
  5. Maxamed Ismaaciil Indho-Gorey, taliyaha qaybta Waliyow Cadde.
  6. Mahad Cabdixakiin (Mahad Korow), taliyaha nabad sugida degmada Wardhiigley.
  7. Maxamed Khadar Xasan, taliye ku xigeenka nabad sugidda degmada Waaberi.
  8. Cali Shiine, taliyaha qeybta galbeed.
  9. Iyo labo askari oo kamid ah ciidanka nabadgelyada jidadka (Taraafikada).

Waa markii ugu horeysay ee saraakiil intaas tirdoodu le'egtahay loo qabto tuhun la xiriira iney gacan siiyeen ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira dowlada Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Qaraxyada is-miidaamiinta ah ee lala beegsado hoteellada iyo goobaha kale ee dadka isugu yimaado ayaa waxaa horay marar badan looga dhawaajiyey in Shabaabku fulintooda la kaashadaan qaar kamid ah ciidamada amniga iyo shaqaalaha ka shaqeeya goobaha la bartilmaadsanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM