Muqdisho: maxkamadda ciidamada oo fulisey xukunno dil ah

Image

March 24, 2015 (GO)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dolwadda Federaalka ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisey askar horay u diley.

Labada askari ee maanta la qisaasey waxaa mid kamid ah lagu magacaabi jirey Cabdiraxmaan Ciise Axmed. August 29, 2012 ayuu magaalada Muqdisho ku diley nin rayid ahaa oo la oran jirey magacaabi jirey Siciid Dhiblaawe Siciid.

Askariga labaad oo isna lagu magacaabi jirey Cabdullaahi Cali Cabdi Cigaal  wuxuu horay u diley haweeney lagu magacaabi jirey Sahro Sheekh Cumar.

Goobta qisaastu ka dhacday waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo mas'uuliyiin ka socdey maxkamadda ciidamada.

Ma ahan markii ugu horeysey ee magaalada Muqdisho lagu toogto askar ka tirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka kuwaasoo lagu soo eedeeyey inay dil geysteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM