Muqdisho oo bandow u galaysa caleema-saarka Xasan Sheekh

Image
Inta badan martida ka qeybgaulaysa munaasabadda ayaa soo gaartey caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafuud horudhac u ah madaxda ka qeybgalaysa caleema-saarka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaarey caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Munaasabadda waxaa la qorsheeyay in ay qabsoonto Khamiista todobaadkan.

Booliska ayaa soo rogay bandow maalinta berri oo dhan sababo ku aadan adkeynta nabad-gelyadda iyo kahortagida falal liddi ku ah amniga oo ka imaan kara kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo galabta lagu soo dhoweeyay Muqdisho ayaa la filayaa in ay ka qeybgalaan xafladda caleema-saarka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo berrito qabsoomaysa.

Sidoo kale, Wafdi ka socda ONLF oo uu hogaaminayo gudoomiye Cabdiraxmaan Mahdi ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho kadib casuumaad ay ka heleen Hassan Sheikh Mohamud si ay uga qayb galaan caleema-saarka maalinta Khamiista ee bisha June 9.

Dhanka kale, madax ka kala ka socota Afrika iyo dalalka kale ee dunida kana qeybgalaya caleema-saarka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey caasimada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay ma'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa shalay soo gaarey Muqdisho si uu uga qeybgalo caleema-saarka madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabadda oo si weyn loo sugayo waxay qabsoomaysaa Khamiista todobaadkan.

Wafuud horudhac u ah madaxda ka qeybgalaysa caleema-saarka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaarey caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Munaasabadda waxaa la qorsheeyay in ay qabsoonto Khamiista todobaadkan.

Ku dhowaad labadii saacadood ee lasoo dhaafay, adeegga internet-ka oo ka maqnaa qaybo kamid ah koonfurta dalka Soomaaliya ayaa shalay wuxuu qeyb ahaan soo laabtey. 

Shirkada bixiya oo kala ah DALKOM iyo DARE ONE waxay sheegeen in ciladdu ka dhacdey Yurub. Ma bixin fahfaahin dheeraad ah. Ciladdan waxay imaanaysaa xilli loo diyaar-garoobayo caleema-saarka madaxweynaha 10aad oo loo balansan yahay 9-ka bishan June oo ah Khamiista todobaadkan kuna beegan berri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM