Muqdisho oo la geliyey "bandow" aan lasii shaacin; banaanbax dhacay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa la geliyey bandow aan horey loosii shaacin, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan, kuwaas oo la xiriiriyey fayruska Corona.

Go'aankan ayaa la sheegay in uu qeyb ka yahay talaabooyin cusub oo xukuumadda ay kaga hortageyso faafitaanka cudurkaas safmareenka ah.

Talaabooyinka cusub waxaa kamid ah in la xiro Masaajida ku yaala magaalada, oo qaarkood ay albaabada u laabeen ciidamadda, wallow ay ka dhasheen banaanbaxyo kooban oo dhacay.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in askarta ay tageen qaar kamid ah Masaajida kadib Salaadii Jimcaha, waxayna ku amreen maamulka ay gebi ahaanba xireen.

Sidda uu ogaadey warsidaha GO, masaajida ay ciidamadu tageen ayaa ah kuwa kaliya ku kala yaala degmooyinka Wadajir, Dharkeynley, Waaberi iyo Xamarwayne.

"Ma aysan noo sheegin xiliga dib loo furi doono, balse waxaa noo yimid sarkaal noo sheegay in illaa iyo amar dambe aan la furi karin," ayuu yiri Imaam sababo amni u gaabsaday magaciisa.

Meelaha uu banaanbaxa ka dhacay waxaa kamid ah; Masjidka Marwaas ee degmada Xamar-wayne, oo jameecadii ku jirtay ay ka hor-yimaadeen hadalka taliyihii tegay, kaasoo lagu ooriyey.

Dhamaan Masaajida ay bartilmaameedsaday ciidamadda waa kuwa waaweyn ee caanka ah magaalada, balse waxaa si caadi ah loogu tukanayaa Masaajida ku dhex-yaala xaafadaha caasimadda.

Sidoo kale, ciidamadda ayaa si qasab ah ku xiray xarumaha ganacsiga ee ku yaala wadada Maka Al Mukarama, balse waxaa si caadi ah u furan mehradaha ku yaala xaafadaha degmooyinka.

Talaabooyinka cusub ee dowladda Soomaaliya qaadey ayaa kusoo aadaya xili ay kordheen tirada kiisaska oo haatan maraya 13; hal qof ayaa sidoo kale u dhintay; waxaana laga baarayaa dad ka badan 50 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM