Muqdisho oo lagu soo rogay amaro lagu xakameynayo Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka gobolka Banaadir ayaa wuxuu amar ku bixiyey in muddo laba todobaad ah aan lagu dabaalan karin xeebta Liido, oo ay u damaashaad iyo nasasho tagaan boqolaal ruux.

Sidoo kale, waxaa huteelada, baararka iyo maqaayadaha la faray in ay yareeyaan kulamada dadweynaha ama ay joojiyaan.

Mehradaha ayaa waxaa lagu booriyey in ay qaadaan talaabooyin ay sarre ugu qaadayaan nadaafadda iyo ka hortaga cudurka.

Go'aanadaan ayaa kasoo baxay kulan uu maanta yeeshay Guddiga maamulka gobolka Banaadir u qaabilsan ka hortaga fayruska safmarka ah ee saddex kiis laga xaqiijiyey in laga helay Muqdisho.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in maamulka uu haatan ka fekerayo talaabooyinka lagu ciqaabayo dhinacyadda aanan u hogaan-samin amarada lagula dagaalamayo cudurka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay horey u mamnuucday duulimaadyadda gudaha si lamid ah dibadda iyo in dalka lasoo geliyo xamuul aan ahayn raashiin iyo daawo.

Muqdisho, magaala madaxda wadanka isla markaana la qiyaasay in ay ku nool yihiin malaayiin ruux, ayaa cabsi badan laga muujiyey in hadii uu ka dhex-dilaaco caabuqa uu sababi karo waxyeelo aan la mahdin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM