Muqdisho oo looga dabaaldegay maalinta koowaad ee Ciidul Carafo

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadwayne kula tukadey masjidka Isbaheysiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mas’uuliyiin iyo qaybaha kala-duwan ee bulshada kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Isbahaysiga Islaamka ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan qorshaha dowladda ee la-dagaallanka Khawaarijta iyo musuqmaasuqa, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada iyo kuwa caadeystay xatooyada hantida dadweynaha .

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM