Muqdisho oo si kooban looga xusay munaasabadda 1-da Luulyo

Image
Tabinta warbaahinta madaxa-banaan ee munaasabadda oo ka dhacdey Villa Soomaaliya ayaa si weyn loo xadiday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa si kooban looga dabaaldegay munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan maalintii ay midoobeen goboladdii Koonfur iyo Waqooyi.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa qaban-qaabisay xaflad kooban taas oo aad loo xadiday tabinta warbaahinta isla markaana lagu soo koobay calan saar uu sameeyay madaxwayne Xasan Sheekh.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabadda Calan-saarka sannad guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed ee dalka iyo midnimadii labada Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur," ayay Villa Soomaaliya ku tiri qoraal kooban.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Cutubyo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka soomaaliyeed ayaa calanka Jamhuuriyadda saaray abaaro 12-kii saq-dhexe oo ku beegan 63 sano ka hor isla waqtigii calanka la suray magaalada Muqdisho, 1-dii Bishii Luuliyo 1960-kii".

1-da Luulyo waa maalintii xornimada laga helay gumeystihii reer galbeedka. Waa maalintii ugu horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo “Italian Somali Land”.

Waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran. Waa maalintii aan ku heesnay ”Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”

SiMkaustaba ha ahaatee, naasibadahaan ayaa waxaa lagu xasuusta xoriyadii Koonfurta Soomaaliya, la midowgii Waqooyiga, iyo dhalashadii Jamhuuriyada Soomaalida markii uu sannadku ahaa 1960.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM