Muqdisho: qarax ka dhacay meel u dhow Hotel Maka Al-mukarama

Image

March 11, 2015 (GO)- Qarax ayaa goor dhow ka dhacay meel u dhow Hotel Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu soo warramayaa inuu ku qarxey goob xilliga habeenka kubadda cagta lagu ciyaaro.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo weliba qaabka uu u dhacay.

Ciidamada ammaanka oo durbadiiba goobta yimid ayaa xirey agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay.

Hotel Maka Al-mukarrama dhowr mar oo hore ayaa qaraxyo caynkan oo kale ahaa lagu weeraray.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM