Muqdisho: Dowladda Federaalka oo mar kale xirtey Radio Shabelle

Image

April 5, 2015 (GO)- Ciidamada nabad-sugidda ee Dowladda Federaalka ayaa xalay mar kale xirey idaacadda Shabeelle oo ah FM gaar loo leeyahay kana hawlgasha magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa sidoo kale xirey qaar kamid ah hawl wadeennada idaacadda gaar ahaan agaasimihii Shabeelle Maxamed Muuse Maxamuud iyo madaxii wararka Axmed Cabdi Xasan.

Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in sababta Radio Shabeelle loo xirey tahay maadaama uu baahiyey warar liddi ku ah amniga islamarkaana khal khal gelin kara xasilloonida dalka, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xiritaanka Radio Shabeelle ayaa kusoo aadaya labo maalmood kadib markii xabsiga loo taxaabey Wariye Cabdifataax Kacaan oo ah wariye indho la' kana tirsan Radio Goobjoob.

Waa markii labaad muddo sanad gudihiis ah ee idaacaddan la xiro, waxaana xusid mudan in dhowaan ganaax lacageed lagu sii daayey mulkiilaha idaacadan iyo qaar kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM