Muqdisho: roobab mahiigaan ah oo xayirey isu socodka dadka iyo gaadiidka

Image

April 16. 2015 (GO)- Roobab mahiigaan ah ayaa 24tii saac ee lasoo dhaafay ka da'ayey magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran.

Roobabka ayaa saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka waxaana xiran qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada.

Roobka ayaa sidoo kale muddo kooban xayirey shaqooyinkii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kadib markii biyo badani galeen Terminalka.

Khasaare nafeed ilaa haddda inta la ogyahay waxaa roobka ku geeriyoodey labo cunug oo mataano ahaa kuwaasoo daadku qaadey.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay baaqdeen duulimaadyo dhowr ah oo maanta magaalada Muqdisho soo gaari lahaa.

Gobollada kale ee roobabku ka da'een xalay iyo ilaa maanta gelinkii hore waxaa kamid ah Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Isgaarsiinta ayaa ka go'dey qaybo ka tirsan gobolka Hiiraan sidoo kale biriq ayaa labo qof ku dishey gobolka Shabeellada Dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM