Muqdisho: Roobow oo "lagala baxay hoygii uu ku jiray"

Image
Tani ayaa kusoo aadaysa saacado kadib markii NISA ay warbixin kasoo saartey xaalka Abuu Mansuur.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur] ayaa waxaa laga saarey gurigii uu kaga jiray Muqdisho kuna haysay dowladda Soomaaliya, sidda uu shaaciyey Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka dhawaajiyey in ehelkiisa ay u sheegeen in aysan garaneyn goobta loo qaadey Abuu Mansuur.

"Xalay waxaa la sheegayaa in Roobow lagala baxay gurigii uu ku xirnaa, illaa iyo haddana aan la garanayn meel lala aaday!," ayuu ku yiri qayb kamid ah qoraal uu ku naqdiyey warbixin NISA kasoo saartey xaaladda Abuu Mansuur taasoo ay ku sheegtay in sii deyntiisa ay u xiran tahay in uusan wali buuxin shuruudihii loogu talagalay.

Fiqi oo kamid ahaa mudaneyaasha baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya ayaa warbixinta NISA wuxuu ku sifeeyay "mid caqliga saliimka ah ka hor-imaanaysa kuna saleysneyn wax xaqiiqo ah".

"Roobow wuxuu ku yimid Heshiis uu garwadeen ka ahaa wasiirkii hore ee gaashaanshigga, ayna qeyb ka ahayd NISA oo uu arrintaas wakiil uga ahaa wasiirka gaashaandhigga hadda oo markaas ahaa taliye kxgka NISA, sidoo kale waxaa arrintiisa wax ka ogaa taliyihii waqtigaas ee NISA Sanbaloolshe," ayuu hoosta ka xariiqay.

Sida ku xusan qoraalka Fiqi, mudadii uu Rooble wadahadalka ku jiray dowladda federaalka Soomaaliya wuxuu telefoonka kula hadlay madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo "oo lacag u diray".

"Qodobka $7,000 oo qarash ah ayaa ku baxa iyo ehelkiisu way arkaan waa been-abuur cad, ehelkiisu waxay ii sheegeen in aan loo ogolayn booqashada Roobow. Waxa laga yaabaa askarta la joogta mushaarka ay siiyaan in ay tahay lacagtan todobada kun ah," ayuu carabka ku adkeeyay Axmed Macalin Fiqi.

Dhanka kale, agaasimaha ku meelgaarka ah ee NISA, Yaasiin Yarey, ayaa gaashaanka ku dhuftey hadaladan wuxuu sheegay in Roobow uu ku jiro guri ku dhex-yaala xarunta hay'adda.

Abuu Mansuur ayaa 2018-kii waxaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ka gedaal markii uu diidey soojeedin kaga timid Villa Soomaaliya oo ahayd in uu ka haro tartanka madaxtinimadda Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM