Muqdisho: saddex wariye oo maxkamad lasoo taagayo

Image

February 15, 2015 (GO)- Wariyeyaal ka tirsan idaacadaha Shabelle iyo Sky FM ayaa maanta kasoo hor muuqan doona maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Banaadir.

Wariyeyaashan oo tiradoodu saddex tahay waxay kala yihiin mulkiilaha idaacadda Shabeele Maxamed Muuse, Agaasimihii Idaacada Sky FM Maxamuud Carab iyo Maxamed Bashiir oo ah Tifatirihii Shabelle.

Dhegeysiga dacwada loo haysto wariyeyaasha ayaa baaqdey bishii hore ee January, markaasoo qareenkii u doodayey maxkamadda soo xaadiri waayey.

Bishii August ee sanadkii hore ayaa xabsiga loo taxaabay saddexdaas wariye kadib markii lagu soo eedeeyey inay baahiyeen warar been abuur ah oo liddi ku ah ammaanka iyo xasiloonida.

Mulkiilaha Shabeele ayaa damaanad lagu sii daayey balse labada wariye ee kale ayaa ilaa iyo waqtigaas xabsi ku jirey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM