Muqdisho: Weerar afar dhinac ah oo lagu soo qaaday degmada Kaxda

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoogag hubeysan ayaa weerar ku qaaday degmada Kaxda ee caasimadda Muqdisho, dagaal xoogan ayaa ka dhacay Saldhigga degmada iyo buurta Janaale iyo goobo kale oo muhiim ah.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo ay fuliyeen xoogaga la aaminsanyahay inay xirirr la leeyihiin al-shabaab, waxaaana ciidamada soo gurmanayey wadada loogu aasay miino taaso keentay in uu dagaalka sii daba dheeraado.

Dadka ku dhaqan caasimadda ayaa maqlayey dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayeen, waxaana markii uu dagaalka joogsaday degamda lagu garaacay tiro hoobiyeyaal ah.

Ilaa iyo hadda lama shaacin khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay, iyadoo sidoo kale la xaqiijiyay badqabka Taliyaha Saldhiga Degmada Kaxda oo dhaawac fudud uu soo gaaray.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo shaac baxaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM