Muqdisho: weerar lagu soo qaadey Wasaaradda Waxbarashada

Image

April 14, 2015 (GO)- Dabley hubeysan oo la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayaa weerar kusoo qaadey dhismaha Wasaaradda Waxbarashada ee magaalada Muqdisho.

Dableyda oo ka kooban dhowr nin waxaa u suurtagashay inay gudaha u galaan dhismaha xarunta Wasaaradda.

Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha, waxaana lagu soo warramayaa in xilligii weerarku dhacayey ay xarunta joogeen mas'uuliyiinta ugu sarreysa Wasaaradda Waxbarashada iyo badi shaqaalaha goobtaas ka hawlgala.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya saddex todobaad kadib markii Al-shabaab weerar khasaare badan dhaliyey kusoo qaaddey hoteelka Maka Al Mukarrama ee magaalda Muqdisho.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM