Muqdisho: saldhigga ugu weyn ciidanka AMISOM oo la weeraray

Image

December 25, 2014 (GO)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab weerar kusoo qaadeen xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Qarax weyn ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhigga waxaana la maqlay rasaas qadar daqiiqado ah socotey.

Afhayeen ciidamada AMISOM Kol. Cali Aadan Xaamud oo la hadlay iidacada VOA ayaa xaqiijiyey weerarka isagoo sheegay inuu khasaare geystey balse ka gaabsaday inuu faahin ka bixiyo baaxada khasaaraha.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in gaari yar oo walxaha qarxa laga  soo buuxiyey ku qarxay afaafka hore ee xerada Xalane kadibna goobta isku dayeen inay gudaha u galaan dhowr nin oo qoryaha fudud ku hubeysnaa, kuwaasoo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Wararka kusoo dhacaya warqabadka Garowe Online ayaa intaas ku daraya in ciidamada AMISOM ku guuleysteen inay weerarkaas fashiliyaan islamarkaana la laayey dhammaan xubinii weerarka soo qaadey.

Al-shabaab ayaa horay weeraro caynkan oo kale ahaa waxay ugu qaadey goobo ay kamid ahaayeen: xarunta Qaramada Midoobay, maxkamadda gobolka Banaadir, xarunta Barlamanka, madaxtooyada iyo safaaradda dalka Turkiga ee Muqdisho.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM