Mushaharka ciidanka Somalia oo qayb ka mid ah bixinayo Ingiriiska

Image

02 November, 2015(GO)-Taliyaha ciidamadda xoogga dalka Somalia General: Maxamed Aadan Axmed, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho safiirka Boqortooyada Britain u fadhiya Somalia danjire Harriett Mathews.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ku leedahay Xamar, ayaa labada mas'uul kaga wada hadleen taageeradda Ingriisku siiyo ciidanka Somalia, waxayna isku afgarteen in la kordhiyo taakulaynta la siiyo ciidamada Somaliyeed.

Safiiradda ayaa balanqaaday  inay bixinayaan mushaaraadka ciidamadda Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 60aad, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska xeryaha ciidamadda si loo xoojiyo tayada iyo tababarka ciidanka.

Dhanka kale danjiraha ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Saxafi kaasi oo ay ku dhinteen dhawr iyo toban ruux oo isugu jiray mas'uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Britain ayaa dhawaan shaacisay in dalka Somalia gaar ahaan ciidamada Xoogga dalka ka caawin doonaan tababarada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM