Musharax Xildhibaan oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Image
Dabley aan heybtooda la aqoonsan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay toogashada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Dablay hubaysan ayaa xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dishay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan AUN Cabdiraxmaan Ibraahim Macow, oo ahaa musharax u taagan kursi xildhibaan oo deegaan doorashadiisu tahay Hirshabeelle.

Marxuumka ayaa lagu toogtay banaanka ee Masjid uu ku soo dukaday salaadii cishaha, sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen Garowe Online.

Cabdiraxmaan Ibraahim Macow oo mudo dheer ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa haatan u sharaxnaa kursiga HOP#058 ee golaha shacabka oo laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Marxuumka ayaa la soo shaqeeyey Maxkamadihii Islaamka ee mar ka talinayay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sidoo kale guddoomiye ayuu mar ka soo noqday gobolka Hiiraan.

Marxuumka Cabdiraxmaan oo xalay la dilay ayaa la sheegay in dhowaan uu Muqdisho ku qabtay munaasabad uu ku shaaciyay inuu yahay musharax u tartami doona mid ka mid ah kursta baarlamaanka faderaalka ee laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo cambaareeyay weerarka lagu dilay musharaxa ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay.

Al Shabaab oo ah koox xiriir la leh Al qaacida ayaa sheegatay masuuliya weerar lagu dilay gudoomiyaha iyada oo dowlada Soomaaliya aysan hadlin weerarkaan.

Inta badan marka la gaaro xiliyada doorashada waxaa caado ka noqotay wadankaan ku yaalla geeska qaarada Afrika in ay kordhaan weerarada beegsiga ah ee lagu dilo dadka waxgalka u ah bulshada waxaana inta badan sheegtay maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM