Musharaxiinta madaxtinimadda oo laba saf kala noqdey

Image
Garowe Online ayaa helay xogta kulamadda isbaheysiga cusub ee sameysay kadib doorashadda guddoonka labadda aqal.

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo ay kamid tahay sunada siyaasadda, Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya ayaa durba laba saf kala noqdey kahor inta aan la gaarin sanduuqa cod-bixinta doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya.

Dildilaacan oo si weyn looga dareemayo baraha bulshadda ayaa kusoo beegmaya ka gadaal markii la doortey hogaanka Labada Aqal ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Maamulka muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si weyn ugu jabay loolanka guddoonka xeer-dejinta. Mucaaradka ayaa si aqlabiyad leh ula wareegay hogaanka labadda gole.

Dharbaaxadan ayaa nidaamka Nabad iyo Nolol ku qasabtey in ay deg-deg u shiraan. Warar kasoo baxay kulamaddan waxay tibaaxayaan in doodaha la isla soo qaadey ay qayb ka tahay in Farmaajo uusan mar kale u ordin qabashadda xilka.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in Fahad Yaasiin Daahir oo ah lataliyaha dhanka ammaanka Farmaajo uu u socdaalay Qadar. Xukuumadda Dooxa waxay maalgelisay ololihii Farmaajo ee 2017-kii waxayna u ahayd garab inta uu xafiiska joogay.

Isbaheysiga cusub ee mucaaradka

Lama ogga ujeedada socdaalka Fahad ee Qadar. Balse, warbixino sirdoon waxay sheegayaan in safarkan uu daaran yahay in ay Dooxa ka fekerto musharaxa cusub ee ay afarta sano ee soo aadan u dhisayaan Villa Soomaaliya.

Illo wareedyo ku dhow kulamadda ay yeesheen madaxda is-xulufeysiga cusub ee mucaaradka ayaa xusaya in ay isku-fahmeen in ay la dagaalamaan kooxda Farmaajo iyo cid kasta oo ay u arkaan in ay wadashaqeyn soo dhex-martey.

"Heshiiska qeyb ahaan wuu shaqeeyay doorashadda guddoonka labadda gole. Hase ahaatee, waxaa jira dildilaac iyo kala shaki xubnaha qaar. Balse, su’aal ayaa ka taagan in ay ku guuleysan doonan coddeynta madaxweynaha," ayuu yiri qof si dhow ula socdey is-fahamka.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in arrimaha la isku fahmay ay ku jirto kala qeybsiga xilalka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dowladda ee soo socota haddii midkood uu ku guuleysto xilka madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya.

Kala furashada musharaxiinta madaxweynaha ayaa soo jireen ahayd doorashooyinkii Soomaaliya sanadihii dambe balse waxaa dhif ahayd in mucaaradka dhexdiisa ay u midoobaan sidii ay daaqadda uga saari lahaayeen xubno halgalka la galay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM