Musharaxiinta oo dalbadey in loo ogolaado warbaahinta qaranka

Image
Hadal kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayay sidoo kale aad u cambaareeyeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhaweeyay dib-u-dhigista banaanbaxii looga soo horjeeday maamulka Farmaajo ee la qorsheeyay in uu Khamiis, 13-ka Janaayo, ka dhaco Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay midowga laguna faafiyey baraha bulshadda ayaa sidoo kale waxaa lagu cambaareeyay hadal kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa caasimada, Cumar Filish.

Filish oo ka hadlay madal uu maamulkiisa soo qabanqaaniyey ayaa mudaaharaadka wuxuu ku tilmaamay "fal-dambiyeed" halka midowga musharaxiinta uu ku sifeeyay "xaq dastuuri ah".

"Goluhu wuxuu adkeynayaa in mudaaharaadka uu yahay xaq dastuuri ah, shacabka gobolka Banaadirna ay mudaaharaadi karaan xilli kasta," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaankan uu arkay Garowe Online.

Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Rooble ayay uga mahadceliyeen "in ay gudatay waajibaadkii ka saarnaa mudaaharaadka" ka gedaal markii ay aqbashay in ay sugto ammaanka isu-soo-baxan.

"Goluhu wuxuu mar kale adkeynayaa in ay ilaaliso xuquuqda muwaadinka xilna iska saarto furitaanka saaxada siyaasadda, kulamada golaha, safarka iyo in warbaahinta qaranka loo ogolaado musharaxiinta," ayay xuseen.

Warbaahinta qaranka waxaa haatan si buuxda gacanta ugu haya xukuumadda Rooble taasoo mararka qaar iska indha-tirta macluumaadyadda ama fariimaha ololaha Farmaajo sababo la xiriira khilaafka kala dhaxeeya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MUSHARAXIINTA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM