Musuqmaasuqa oo wiiqay rajada Shacbka Soomaaliyeed ka leeyihiin ciyaaraha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dhawaan baraha bulshada lagu faafiyey muuqaalka gabar Soomaaliyeed oo ka qeyb galaysa tartanka orodka 100-ka mitir, taasoo Soomaaliya ku mataleysa tartan jaamacadeed oo lagu qabtay dalka Shiinaha.

Gabadhan ayaa soo muuqatay iyada oo isku dayaysa in ay si dhib ah u ordo, mana ka muuqan in ay tahay qof hore taariikh u laheyd ciyaaraha fudud. Gabadhan Soomaaliyeed ayaa ku dhameysatay tartanka kaalinta ugu dambeysa.

Wararka qaar ayaa xusay in gabadhan ay qaraabo la tahay mid ka mid ah mas’uuliyiinta ciyaaraha Soomaaliya, taasoo u ogolaatay inay ka qaybgasho tartanka iyadoo aan loo eegin sumcadda dalka.

Soomaaliya ayaa hormuud u ah tilmaamayaasha musuqmaasuqa ee caalamka, dhinacyada uu hareeyeyna waxaa ka mid ah ciyaaraha, iyadoo wargeysyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ay xiriiriyeen orodka gabadha iyo musuqmaasuqa ka jira Soomaaliya.

Inta badan, ciyaartooyda Soomaaliya waxaa loo doortaa inay ka qaybgalaan ciyaaraha kala duwan ee caalamiga ah iyadoo lagu saleynayo qaraabonimo ama la dhigto qaab lagu helo fiisaha gelitaanka dalalka shisheeye hadhowna magangelyo la weydiisto.

Isboortigu halkii uu noqon lahaa waddo ciyaaryahanka fursad siineyo in uu matalo dalkiisa kuna farxad galiyo dadkiisa, ayaa Soomlaali ka ah marin dalka looga cararo, iyadoo lagu marmarsiyoonayo in dad badan oo Soomaaliyeed aysan daneyn ciyaarahaas.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka dhursugaya tallaabooyin dhab ah oo wax loogu qabanayo Isboortiga Soomaaliyeed, isla markaana dalka laga diro ciyaaryahannada xirfadleyda ah ee ugu habboon, kuwaas oo doonaya in ay sare u qaadaan sumcadda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM