Nabadoon caan ahaa oo xalay Beledweyn lagu diley

Image

March 7, 2015 (GO)- Nabadoon caan ahaa ayaa xalay lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Axmed Siyaar Aadan waxaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Hawlwadaag ku weerarey dabley hubeysan oo dhowr nin ka koobneyd.

Qaar kamid ah dableyda aayaa guriga isku hareereeyey halka qaar kalena gudaha u dhaceen dabadeedna tacshiirad ku fureen guriga.

Rasaasta waxaa ku dhintey Nabadoon Siyaar oo sida la rumeysan yahay bartilmaameedka weerarkaasi ahaa iyo labo qof oo kale kuwaasoo ahaa wiil yar oo nabadoonkaasi dhalay iyo nin ilaalo u ahaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacantey xaaskiisa.

Dilalka qorsheysan ayaa muddooyinkii u dambeeyey kusoo badanayey xaafadda Hawl-wadaag ee magaalada Beledweyn.

February 17, 2015 ayey ahayd markii ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jirey Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quuraw) lagu diley isla xaafadda Hawlwadaag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM