Nabadoon caan ahaa oo xalay Beledweyn lagu diley

Image

March 7, 2015 (GO)- Nabadoon caan ahaa ayaa xalay lagu diley degmada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Axmed Siyaar Aadan waxaa gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Hawlwadaag ku weerarey dabley hubeysan oo dhowr nin ka koobneyd.

Qaar kamid ah dableyda aayaa guriga isku hareereeyey halka qaar kalena gudaha u dhaceen dabadeedna tacshiirad ku fureen guriga.

Rasaasta waxaa ku dhintey Nabadoon Siyaar oo sida la rumeysan yahay bartilmaameedka weerarkaasi ahaa iyo labo qof oo kale kuwaasoo ahaa wiil yar oo nabadoonkaasi dhalay iyo nin ilaalo u ahaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacantey xaaskiisa.

Dilalka qorsheysan ayaa muddooyinkii u dambeeyey kusoo badanayey xaafadda Hawl-wadaag ee magaalada Beledweyn.

February 17, 2015 ayey ahayd markii ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jirey Xaaji Cumar Maxamed Nuur (Quuraw) lagu diley isla xaafadda Hawlwadaag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM