Nabadoon ku dhintey dagaal dhexmaray Ciidanka iyo Al-Shabaab

Image
Cilmi Hagar Gure ayaa kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee hogaaminayay kacdoonka shacabka ee gobolka Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda Soomaaliya iyo maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa Khamiista maanta ah ku dagaalamay tuuladda Ceel-qalooc oo 40 KM dhanka ba ka xiga degaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa weerarey fariisin ay ciidamadda ka sameysteen aaggan oo ay dhowaan la wareegeen waxaana halkaas ka dhacay iska-hor-imaad aad u xooggan.

Sida ay ku warantey wakaaladda wararka qaranka ee SONNA oo soo xigatay taliska xoogga dalka, milatariga Soomaaliya oo "guulo kasoo hooyey iska-hor-imaadka" ayaa iska-caabiyey "duulaankan".

"Waxaa ay dagaalkan ku dileen in ka badan 40 kamid ah maleyshiyaadka Al-Shabaab," ayay raacisay SONNA oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamadda balse aysan soo bandhigin magacyadooda.

Warbixinadda laga helayo dadka degaanka ayaa xaqiijinaya in khasaaraha uu soo gaarey labada dhinac balse aysan xaqiijin karin waxyeeladda dhabta ah ee soo gaarey darafyadda diriray.

"Waxaa sidoo kale dagaalkan ku nafwaayay Cilmi Hagar Gure oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee horkacayay kacdoonka shacabka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab," ayuu yiri qof kamid ah dadka degaanka.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin dagaalkan wallow aan looga baran dhankooda in ay soo bandhigaan jabka kasoo gaara dagaaladda ay la galaan ciidamadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM