Nabadoon lagu gowracey duleedka Qoryooley

Image

March 15, 2015 (GO)- Nabadoon caan ahaa ayaa xalay lagu diley duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Nabadoonkan oo lagu magacaabi jirey Bashiir Xasan Cabdulle Xooshow waxaa isaga iyo wiil uu dhalay lagu dhex gowracey beertiisa oo ku taalla meel saddex kiilo mitir Qoryeel u jirta.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Cabdiqaadir Nuur Siidi  oo la hadlay VOA ayaa dilka nabadoonka ku eedeeyey Al-shabaab.

Cabdiqaadir Siidi oo la weydiiyey sababta dilkan keentay wuxuu sheegay inay u maleynayaan in arintani la xiriirto muran dhanka dhulka oo ka dhexeeyey Nabadoon Xooshow iyo sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Waa markii labaad muddo todobaad gudihiis ah ee dad lagu gowraco deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM