Nabadoono iyo askar lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee Masagawaa

Image
Saraakiisha ciidamada ayaa xusay "in Khawaariijta ku hungoobeen in ay qabsadaan magaalada".

MUQDISHO, Soomaaliya - Warar horudhac ah ayaa sheegaya in weerarka degaanka Masagawaay lagu beegsaday qaar kamid ah odayaasha safka hore uga jiray abaabulka gulufka ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Fahfaahinta oo ay xaqijiyeen illo wareedyo kala duwan ayaa waxay intaas ku daraysaa in saddex kamid ah nabadoonka hormuudka u ahaa Macawiisleyda degaanka ah ku nafwaayeen dagaalka.

Alle ha u raxmadee, odayaasha magacyadooda ayaa lagu kala sheegay; Ibraahin Geeljir (Gudoomiyihi hore ee Galcad), Cismaan Macalin Axmed (Xarfadle), iyo Ibraahin Maxaad Cismaan.

"Marxuumiintan ayaa kamid ah sideed qof oo isugu jira askar iyo nabadoono oo ku shiidey weerarkan," ayay Idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho kasoo xigteen sarkaal ciidan oo magaciisa ka gaabsadey.

Geesta kale, Gen Tareedisho oo kamid ah saraakiisha ciidamada ayaa VOA-da u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay duullaan kusoo qaadeen Masagawaa, "laakiin ay ku hungoobeen inay qabsadaan magaalada".

Jananka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in waqti-xaadirkan ay magaalada gacanta ku hayaan ciimadama dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka.

Weerarkan ayaa yimid laba maalmood kadib weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday deegaanka Budbud ee isla Galmudug. Gulufkaas waxaa ka badbaadey Xildhibaan Jacfar iyo saraakiil kale oo ciidamo sar-sarre ah.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood lasoo dhaafay waxay kordhisay beegsiga gaadmada ah ee ay ku ekeyneyso fariisimaha iyo saldhigyada ciidamadda Soomaaliya halkaasoo khasaaro culus uu ka dhasho.

Bishan April 16-keeda, dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa weerar toos ah iyo qarax gaari ku weeraray saldhiga ciidamadda huwanta ah ee degaanka Budbud ee gobolka Mudug wallow saraakiil xuseen in ay iska-caabiyeen.

Bishii hore Maarso 23-keeda, Al-Shabaab ayaa weerartay saldhiga ciidamadda kumaandooska Gorgor iyo dadka degaanka ee degmada Ruun-nirgood. Kooxda hubeysay waxay shaacisay in ay laysay tobanaan askar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM