Natiijada baarista qarax lala eegtay ATMIS oo lasoo bandhigay
MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay natiijada baaritaanka ay ku sameeyeen qaraxii kolanyadooda lagula eegtey isgoyska KM4 ee Muqdisho 3-dii April, 2023.
Ku simaha taliyaha ciidamadda ATMIS, Marius Ngendabanka oo warbaahinta kula hadlay xaruntooda Xalane Khamiista maanta ah, ayaa meesha ka saarey in falkaas uu ka dhashay dab ka dhex-qarxay gaarigooda.
Sida laga soo xigtey Ngendabanka oo ka jawaabay su'aal uu hor-dhigay wariyaha warsidaha Garowe Online ee Abdirahman Adani, dab qabsadey gaarigaas siday sahay saad ah waxaa sababay qarax argagixiso.
"Qaraxii kolanyadeena lagula eegtey isgoyska KM4 3-dii bishii April ma ahayn dab ka dhex-kacay baabuurkeena; waxa uu ahaa fal dambiyeed ay geysteen koox argagaxiso ah," ayuu yiri.
Kooxda Daacish garabkeeda Soomaaliya ayaa maalmo kadib dhacdadaas waxay ku faafisay ciwaanada baraha bulshadda ee taageera in qaraxaas ay iyaga ka dambeeyeen uuna ahaa miino ay dhulka ku aaseen.
Dhanka kale, Ngendabanka oo ka jawaabaya su'aal laga waydiiyey qaraarka xukuumadda federaalka kasoo saartey xakameynta hubka Muqdisho ayaa mar kale ku celiyey in aysan faragelin ku sameyn doonin arrinkaas.
"Soomaaliya waa dal xor ah oo haysta sharciyad, waa waddan u madax-banaan go'aanadiisa. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay gaari kartaa go'aano amni xilli walba kuwaasoo ay u aragto in lagu sugi karo nabad-gelyadda guud," ayuu xusay.
Isaga oo sii hadlaya, Ngendabanka ayaa waxa uu carabka ku dhuftey in ay ka go'an tahay fulinta qorshaha kala guurka ee ciidamadda Soomaaliya kula wareegayaan amniga waxa uuna tibaaxay in ay jadwalka ku dadaalayaan.
"Sida uu xeerinayo qaraarka Qaramada Midoobay, waxaan dabayaaqada bisha June aan mac-salaameyn doonaa illaa 2,000 askari kuwaasoo laga soo kala xuli doono qeybaha kala ee ATMIS," ayuu hoosta ka xariiqay.
Ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa lagu waddaa in ay ka hayaamaan Soomaaliya bisha December ee sanadka 2024-ka markaasoo ay mas'uuliyada amniga ay la wareegi doonan askarta Soomaalida.
GAROWE ONLINE