Natiijada shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo laga shiray

Image
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka u jooga Muqdisho, Larry Andrè.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka dalka Mareykanka u jooga Muqdisho Larry Andrè.

Labada mas'uul ayaa waxay "ka wada hadleen guushii laga gaaray dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed iyo xaaladaha guud ee dalka".

Danjiraha ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka "uga mahadceliyay sida hufnaanta iyo dhexdhexaadinta leh uu u maamulay isl-markaana ku guuleystay gogoshii taalay magalada Baydhabo in si guul ah lagu soo gabagabeeyay".

Gunaanadka kulanka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku ammaanay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ay la garab taagantahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taageeradii shirkii dib u heshiisinta KGS iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaariijta oo cadow ku ah jiritaanka iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM